Guuleed oo eedeymo culus u jeediyey DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay muddo xileedkeedii kusoo afmeertay burburinta goob waxbarasho oo lagu dhisaayey mustaqbalka dalka, sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Xuseen Guuleed, hogaamiyaha xisbiga Sahan, ayaa shaaca ka dhigay in uu cambaareynayo falka ay ciidamadda booliska ku burburiyeen qeyb kamid ah Dugsiga Hoyga Xamar kaasoo la sheegay in ay doonayaan in ay qabsadaan ganacsato ku xiran Farmaajo.

Madawaynihii hore ee Galmudug oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa "ayaan daro weyn" wuxuu ku tilmaamay talaabadaas "fahamkooda gaaban ee ku aadan ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay ummad kasoo kabaneysa burbur iyo colaad".

"Burburinta iyo barakacinta goob waxbarasho ma’ahan talaabo sahlan oo lagu deg degi karo, inagoo og baahida waxbarasho ee ka jirta dalkeena. Iskuullaadku waxey kabbaan dowladnimada, xasiloonida iyo horumarka bulshada," ayuu ku bilaabay qormadiisa.

Wuxuu ku daray: "Waxaan si adag u cambaaareynaya falka burburinta ah ee ay ciidanka Dowladdu maanta kula kaceen dugsiga Hoyga Xamar oo ka mid ah iskuullada Muqdisho ee soo saaray ardeyda ugu tayada wanaagsan".

"Waa ayaan daro weyn in dowladdu muddo xilleedkeedii kusoo afmeerto burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka dalka, waxeyna muujineysa fahamkooda gaaban ee ku aadan ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay ummad kasoo kabaneysa burbur iyo colaad," ayuu xusay.

Guuleed ayaa tibaaxay: "Waxaa jiray wadooyin badan oo lagu xalin karay muranka dhulka. Dowladdu waxey heysatay fursado badan oo ay xal ku keeni kartay iyadoo aan la isticmaalin dhaqankaan foosha xun".

"Si walbaba waxaan ku baaqeynaa in la baaro wixii ka dhacay dugsiga Hoyga Xamar, lana raadiyo xal ka duwan in la tir tiro goob waxbarasho, oo lagu dhisaayo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirkii hore ee amniga iyo arrimaha dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ay isla yihiin musharaxiin madaxwayne.

Dhulka uu degan yahay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Hoyga Xamar waxaa iska leh Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya taasoo horey war qoraal ah ugu caddeysay in aysan marnaba aqbaleyn in la burburiyo, iyadda oo Madaxtooyadda aysan wali ka jawaabin warar la xiriirinaya Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM