Guuleed oo is-difaacay, Gaas-na eedayn kulul u jeediyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay eedaymo oo uu usoo jeediyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Gaas oo ka hadlayay Sabtidii shalay Shirka hogaamiye-yaasha dowlad goboleedyada uga furmay Garoowe ka sheegay in maamulkii Cabdikariin Guuleed uu "kasoo horjeeday" nabadda Puntland iyo Galmudug, oo Galkacayo isku hayey.

Isagoo ka jawaabayey eedeyntan, ayaa wuxuu Guuleed ku tilmaamay hadalka Gaas mid mas'uuliyad darro ka muuqatey, isagoo dhanka kale xusay in maamulkiisii Galmudug uu ahaa midkii safka hore uga jiray in xal u helidda colaadda Gaalkacyo.

"Markii dadkii Soomaalida ee isku soo baxay inay xaliyaan colaadda uu war ka diiday, Gaas iyo maamulkiisa waxay udhaganuglaadeen Gabre iyo dad Ajnabi ah," ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed ayaa intaasi ku daray in Cabdiweli Gaas hadalkan ka leeyahay dano gaar ah, islamarkaana uu ka arkay maamulka hadda ka taliya Galmudug ee uu Xaaf hogaamiyo dantiisa.

Wuxuu ku eedeeyay Gaas inuu ergadii nabadda Mudug, dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada kale uu ka diiday waan-waanta Gaalkacyo, islamarkaana uu Gabre ku qasbey inuu nabadda qaato markii dambe.

Dhanka kale, Madaxwaynihii hore ee Galmudug oo wax laga waydiiyay khilaafka haatan ee ka dhex-aloolsan hogaanka dowlad goboleedka Galmudug ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah, isagoo ugu baaqay dhinacyada inay is-xaliyaan.

"Aniga nin Oday baan ahay, ma rabo inaan dhinac eedeeyo, laakiin waxaan ugu baaqayaa inay wax kasta ku xaliyaan qaab wadahadal ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cabdikariin.

Dagaaladdii ka dhacay Galkacayo 2015-2016 oo ahaa kuwa aad u xooganaa ayaa qayb ka ahay dhibaatooyinka uu Gaas geliyay Puntland mudadii uu xilka hayey, taasi oo uu umuuqda mid uu haatan uga tagayo, isaga oo aan ka saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM