Guusha Xasan Sheekh oo Muqdisho looga dabaaldagay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabaal degyo waa weyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo illaaa saaka sii socday kadib markii madaxweyne cusub uu yeeshay dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha qaranka, isaga oo doorasho la isla gaaray saddex wareeg kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii natiijada lagu dhowaaqay ayaa waxaa rasaas xooggan ay is-qabsatay gees ka gees magaalada, ayada oo shacabkuna ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda, si ay u damaashaadaan una muujiyaan dareenkooda.

Dadka ayaa farxad iyo qosol ku dabaal degayey ayaga oo aad u qiireysan oo aan la celin karin, waxaana ka muuqatay farxad aan la qiyaasi karin heerkeeda.

Isu soo baxa shacabka ayaa ahaa mid aad ug weyn sidii la filayey, waxaana ay billowdeen xitaa inta aan natiijada lagu dhowaaqin, ayada oo ay muuqatay in lasii qiyaasayey guusha kadib markii la gaaray wareegga saddexaad.

“Xasan Sheekh guul guul,” ayey shacabka ku qeylinayeen ayaga oo qoob cayaar sameynaya, halka sidoo kale rasaas xooggan ayaa qeyb ka aheyd damaashaadka guusha taariikhiga ah ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee kursiga ka dega ee haddana dib loo doorto, wuxuu hoggaanka dalka kusoo laabtay shan sano kadib markii uu ka tegay, ayada oo xaaladdii uu dalka uga tegay aanay wax badan iska beddelin.

Farxadda shacabka ka muuqata ayaad mararka qaar maleyneysaa inay aheyd sida dad sanado badan xabsi ku jiray oo dib u helay xoriyaddooda, iyo sida dad mugdi ku hoyday habeeno badan oo iftiinkii uu usoo bidhaamay.

Rajada shacabka ay ka qabaan madaxweynaha ayaa ah mid aad u sareysa, ayaga oo ku kalsoon inuu dib u qaban doono shaqadii wanaagsaneyn ee uu qabtay muddadii hore ee uu xilka hayey 2012 illaa 2017.

Sidoo kale, dabaal degyo kale ayaa ka dhacay inta badan magaalooyinka kale ee dalka, oo sidoo kale ay shacabka isugu soo baxeen.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa rajeynaya in Xasan Sheekh uu si wadajir ah dalka u midoobi karo sannado badan oo colaado qabaa’il oo kala qeybsanaan jiray, balse ay sidoo kale si adag u maamulaan dowlad federaal ah oo aan awood badan ku lahayn Muqdisho.

Xasan ayaa intii uu ololaha ku jiray waxa uu ballan qaaday in dowladdiisa ay noqon doonto mid loo dhan yahay, isaga oo garwaaqsan khaladaadkii ay gashay dowladdii hore, oo ay la kulantay eedeymo badan oo musuq maasuq ah, isla markaana loo arkayay mid ka fog tabashooyinka kooxaha iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM