Hadalkii Cali Jeyte ee in la ciqaabo Shacabka ku nool Goobaha Al-Shabaab xiisad dhaliyay

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Doodda ku saabsan tallaabooyinka ku habboon ee looga qaadayo dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay Al-Shabaab xukunto ayaa kiciyay dood xooggan gudaha Soomaaliya, iyadoo guddoomiyihii hore ee Hiiraan uu soo jeediyay in dadkaas ay lamid yihiin Al-Shabaab, si isku mid ahna loola dagaalamayo.

Jayte Ali Osman, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Hiiraan, ayaa sheegay in waqtigu uu soo dhawaaday in dadka rayidka ah ee ku nool aagagga Al-Shabaab ay wajahaan howlgalka Ciidanka, isagoo ku andacoonaya inay qayb ka yihiin kooxda.

Sida uu sheegay, dadka rayidka ah ay taageersan yihiin Al-Shabaab oo mas'uul ka ah amni darro ee ka jirta dalka, waxaana laga rabaa inay gacan ka geystaan dowladda si looga saaro goobaha ay joogaan. Hadalkan ayuu Jeyte jeeiyay xili uu la hadlayay saraakiil ciidan oo ku sugan gobolka Hiiraan.

"Qof kasta oo aan ugu tagno deegaanada aan weerarayno wuxuu lamid yahay Al-Shabaab, nooma kala duwana," ayuu yiri Jeyte, xili uu lahadlayay askar, waxaana goobjoog ahaa Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka DF Jen Odowaa.

Jayte wuxuu caan ku yahay mowqifkiisa adag ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo si toos ah uga qayb qaatay dagaalka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Wuxuu hadda hayaa xil uu u magacaabey madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah abaabulka dagaalka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaano kasoo jeeda degaanada uu carabaabey Cali Jeyte, ayaa ku tilmaamay hadalada noocaas ah ay keeni karaan burburinta nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Dalalka horumarsan, waxaa caadiyan dadka rayidka ah laga soo saaraa goobaha khatarta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM