Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed
BAYDHABO — Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa dhowaan ku dhowaqay in dib loo dhigay doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo go'aankan loo aaneeyay dib u eegis ay Maxkamadda Sare ku samaynayso natiijada doorashada maamulkaas.
Doorashada guddoonka baarlamaanka oo markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo 18-ka May, 2026, ayaa hawsheedu istaagtay, iyadoo guddigu sheegay inay sugayaan go'aanka Maxkamadda Sare si loo dammaanad qaado hufnaanta iyo sharcisnimada hannaanka doorashada.
Guddiga ayaa xaqiijiyay inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen codsi ku saabsan in la ansixiyo natiijada doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed, maadaama sharciga doorashadu uu maxkamadda siinayo awoodda dib u eegista iyo xaqiijinta natiijooyinka. Waxay intaas ku dareen inay dib u bilaabi doonaan hannaanka doorashada inta dhiman, sida dejinta jadwalka cusub ee dhaarinta xildhibaanada iyo doorashada guddoonka, marka ay si rasmi ah u helaan jawaabta maxkamadda.
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Sare ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso inaysan weli helin wax natiijo rasmi ah oo ku saabsan doorashooyinkii Koonfur Galbeed. Bayaan ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu yiri "Ma jirto wax natiijo doorasho oo rasmi ah oo laga soo minguuriyay Koonfur Galbeed oo loo soo gudbiyay maxkamadda," iyadoo dalku aanu bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta ay natiijadaas u weysay.
Bayaanada iska horimaanaya ee ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare ayaa dhaliyay su'aalo iyo shaki cusub oo ku saabsan sida loo maareynayo hannaanka doorashada Koonfur Galbeed.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd, iyagoo ku eedeeyey dowladda federaalka inay dhex-galka ku sameysay hannaanka doorashada si ay guusha u siiso xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Midnimada (JSP).
GAROWE ONLINE