Hanti dhowrka oo hor-tagey Gollaha Shacabka iyo dhaliilo loo jeediyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhiga 12aad ee Kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-tagay Hanti-dhowrka qaranka, Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye].

Kulanka oo ay soo xaadireen 152 mudane, kaasi oo uu shir gudoomiyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad, Mahad Cabdala Cawad ayaa Ajandaha wuxuu ahaa ka doodista xeerka uu ku dhisan yahay Hanti-dhowrka.

Xeerka oo uu lamberkiisu yahay 34, kaasi oo soo baxay 14/04/1972, ayey Mudanayaasha ka yeesheen dood kulul, xili gabadda loo saarey Guddi la sheegay inay kasoo talo bixin doonan dib u eegis lagu sameeyo.

Xilldhibaano kala duwan oo kulanka ka jeedisay khudbaddo ay ku cabirayaan fekerooda ku aadan xeerkani waxay soo hadal-qaadeen arrimo ka jira xafiiska Hanti dhowrka oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Qodobadda ay dul-istaageen Xilldhibaanadda waxaa kamid ah is-bar-bar-yaac dhanka shaqadda ah, xili ay ku tartar-siiyeen Hanti dhowre Afgooye inuu arrimahaasi ka shaqeeyo sidii uga soo afjari.

Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye], Hanti dhowraha Soomaaliya, kaasi oo xilkaan loo magacaabay bishii Agoosto ee sanadkii hore ayaa lagu eedeeyay in xafiiskiisa ay faragelin ku hayso xukuumadda.

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa shaqadiisu waxay tahay dabagal uu ku sameeyo kiisaska ku saabsan musuq-maasuqa, taasi oo mudooyinkii dambe xukuumaddu kordhhisay wallow lagu dhaliilay qaabka loo marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM