Ciidamada Soomaaliya oo gobolka Gedo ku fashiliyay is-miidaamin

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka ayaa shaaciyey in ay magaaladda Baardheere ku toogteen qof dumar ah oo isku soo xirtay walxo qarxa, maanta oo Khamiis ah.

Mas'uuliyiinta xarunta gobolka Gedo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in haweenaydaasi ay damac-saneyd in ay beegsato saldhiga booliska oo xiligaasi mashquul ahaa.

Warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in haweenayda ay daqiiqado kahor kasoo degtay gaari caasi ah, ayna wadatay cunug, wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxaayan halkay ka timid.

Maxamed Cismaan Yarow, taliyaha bileyska Baardheere oo dhacdadan u xaqiijiyey mareega GO ayaa tibaaxay in ay baaritaano ku bilaabeen shaqsiyada haweenayda iyo halka ay ka timid.

"Markii ay gaariga kasoo degtay durba dhanka saldhiga ayey soo aaday iyadda oo bambo kusoo tuurtay," ayuu yiri Yarow oo intaasi raaciyey "Askari heegan ku jiray ayaa toogasho ku dilay".

Taliyaha ayaa intaasi raaciyey in hal askari uu ku dhaawacmay qaraxa. Balse warar kale oo soo baxaya waxay soo jeedinaya in ay waxyeelo soo gaareen laba askari oo goobta ka akdhoweyd.

Yarow ayaa si horudhac ah wuxuu u beeniyay in haweenayda oo uusan magaceeda soo bandhigin ay ka timid dhanka Baydhabo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

"Taasi kama horudhici karo. Balse, illaa iyo haatan warkaasi waa mid sal iyo baar aanan lahayn," ayuu taliyaha yiri isaga oo khadka telefoonka kula hadlaya xafiiska wararka Garowe Online ee Muqdisho.

Macluumaadyo kala duwan oo laga helay laamaha amniga ee baaritaanka ku guda jira ayaa daaha ka rogaya in qaraxa laga helay qaybo kamid ah jirkeeda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo qaraxii xarunta gobolka Banaadir ee 24-ka bishii hore e July 2019 la sheegay in ay fulisay haweenay araga la', taasi oo shaqaalaha dowladda hoose kamid ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM