Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda ayaa deeq ka kooban Raashiinka noocyadiisa kala duwan sida Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid loogu tala galay in ay ku afuraan dadka dhimirka ka xanuunsan gaarsiisay xarunta Dr. Xabeeb ee ku yaala Muqdisho.

Deeqdan ayaa waxa ay qeyb ka tahay Mashruuca Taakuleynta Bisha Barakeysan ee Ramadan oo sanad waliba ay sameyso Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka bani aadanimo ee Shirkadaha Hormuud iyo Salaam Somali Bank.

Madaxda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation iyo Dhakhtarka ayaa Kormeer waxa ay ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee xarunta Dr. Xabeeb, iyada oo Hay”addu u kuur galaysay baahiyaha ka jira xarunta iyo sida ay usocoto shaqadeeda.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo faafaahin ka bixinayay deeqda ay soo gaarsiiyeen Isbitaalka Dr. Xabeeb ayaa waxa uu sheegay in Hay”adda ay u taagantahay taageerada dadka Danta yar ee u baahan gacanta bani”aadanimo.

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan gargaar noocan oo kala ah soo gaarsiisa Xarunta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM