Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda ayaa deeq ka kooban Raashiinka noocyadiisa kala duwan sida Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid loogu tala galay in ay ku afuraan dadka dhimirka ka xanuunsan gaarsiisay xarunta Dr. Xabeeb ee ku yaala Muqdisho.

Deeqdan ayaa waxa ay qeyb ka tahay Mashruuca Taakuleynta Bisha Barakeysan ee Ramadan oo sanad waliba ay sameyso Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka bani aadanimo ee Shirkadaha Hormuud iyo Salaam Somali Bank.

Madaxda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation iyo Dhakhtarka ayaa Kormeer waxa ay ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee xarunta Dr. Xabeeb, iyada oo Hay”addu u kuur galaysay baahiyaha ka jira xarunta iyo sida ay usocoto shaqadeeda.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo faafaahin ka bixinayay deeqda ay soo gaarsiiyeen Isbitaalka Dr. Xabeeb ayaa waxa uu sheegay in Hay”adda ay u taagantahay taageerada dadka Danta yar ee u baahan gacanta bani”aadanimo.

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan gargaar noocan oo kala ah soo gaarsiisa Xarunta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM