Hay'adda NISA oo lagu cambaareeyay xariga Cabdalla Muumin

Image
Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa cod dheer looga dalbadey in ay xorriyadiisa "si shuruud la'aan ah" ugu soo celiso saxafiga madaxa-banaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururada saxaafadda madaxa-banaan ee gudaha iyo dibadda ayaa cambaareeyay xariga hay'adda sirdoonka Soomaaliya ay kula kacdey Cabdalla Axmed Muumin, xoghayaha ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS.

Amnesty International Africa oo walaac ka muujisay talaabadan ayaa codsatay in xorriyadiisa loogu soo celiyo si shuruud la'aan ah "ayna waajib tahay xormaynta, ilaalinta iyo horumarinta xorriyadda fekerka".

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa "talaabo aan la aqbali karin ku sifeeyay in xabsiga loo taxaabay Cabdalla waxaana qy codkooda ku biiriyeen in degdeg loosii daayo.

Guddiga difaaca wariyeyaasha ee CPJ oo dhankiisa xariga Cabdalla kiu qeexay "fariin cad ah oo la doonayo in lagu cabsi geliyo bahda warbaahinta Soomaaliyeed".

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray Cabdalla Muumin, xoghayihii ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Cabdalla laga qabtey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. "Xoghayaha wuxuu ku wajahnaa Nairobi, caasimadda Kenya," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Hay'adaha ammaanka xukuumadda federaalka wali kama hadlin dhacdadan. Isku dayo xiriir oo lala sameeyay kama aysan ka jawaabin hqy'adda sirdoonka Soomaaliya.

Xariga Cabdalla ayaa daba socda markii ururadda warbaahinta ay walaac ka muujiyeen amarka dowladda ay ku joojisay faafinta warbaahinta qynq sheegeen in uu wiiqi karo xorriyada hadalka loona adeegsan karo in lagu beegsado saxaaafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM