Heerka saboolnimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Image
Saalax ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.

Warbixintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.

Saalax ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM