Dowladda oo heshiis ku aadan soo saarista shidaalka la gashey shirkado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ayaa shirkado laga leeyahay Mareykanka iyo Holland waxay la gashay heshiis cusub oo ku saabsan soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ExxonMobil oo fadhigeedu yahay magaaladda Irving ee gobolka Taxes iyo Shell oo waddanka Holland ah ayaa kala yihiin shirkadaha heshiiska qalinka ku duugey.

Qandaraaskan cusub ayaa waxa uu ugu muhiimsan illaa iyo haatan qodobadda lasoo bandhigay laba arrimoood oo kala ah sida hoos ku xusan;

-Bixinta adeegyo kiro ah oo ku baxeysa soo saarista shidaalka, sida uu ogolaanayo Sharciga Shidaalka Soomaaliya oo uu Aqalka Hoose meel-mariyey, balse ay diideen maamuladda qaarkood.

-Iyo in ay shirkadda qayb ka noqotay kuwa kasoo muuqanaya shirka bixinta ruqsadaha shidaalka ee dhowaan qabsoomayo.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga si lamid ah, waxaa xigi doono kulan kale oo Mareykanka ka qabsoomaya dabayaaqadda sanadkan.

Heshiiskan waxaa dhanka dowladda Soomaaliya u saxiixay Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka Bartoolka iyo Kheyraadka badda, sidda uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ku xigeenkiisa.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyada oo xiisad ka dhalatay Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee London, caasimada UK, kaasi oo ay Kenya ka gadoodey ay wali taagan tahay.

Is-qabqabsiga oo bilooyinkii lasoo dhaafey soo jiitamayey ayaa gaarey heer ay xukuumada u goodisay madaxda maamulada oo ay ku eedeysay in ay la safteen xukuumada Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM