Heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Heshiiskan ayaa ku saabsan tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda.

Wasiiradda ayaa kawada hadlay arrimaha Amniga dalka, Abaaraha, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan qabsoomay iyo ansixinta heshiiska tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiya.

Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee looga xorreynayo cadowga ka dhageystay Wasaarradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Xukuumadda ayaa boggaadisey howlgallada ciidanka qaranka ee lagu beegsanayo goobaha ay argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Xukuumadda JFS iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiya ee ku saabsan tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamada oo ay gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul.

Saalax ayaa Golaha warbixin ka siiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ku qabsoomay Muqdisho, kaa soo looga hadlay arrimaha mudnaan u leh Qaranka waxuuna tilmaamay in guul laga gaaray qodobadii looga hadlay shirka intii uu soconayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM