Hirshabeelle oo Joojisay Wada Shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda SODMA

Image

Moqokori, Hirshabelle – Wasaaradda Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u joojisay dhammaan wada shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), iyadoo ku eedeysay ku celcelis fashil ku yimid gaarsiinta gargaarka iyo hufnaan la’aan dhinaca maamulka gargaarka.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay Axaddii ayaa lagu sheegay in hay’addu ay si khaldan u maareysay gargaarka bani’aadamnimada, gaar ahaan dhacdo dhawaan ka dhacday degmada Moqokori, halkaasoo la geeyay kaliya kartoono yar-yar oo daawo ah, inkasta oo howlgalkaasi uu ahaa mid muhiim ah oo la doonayay in si buuxda loogu gurmado dadka deegaanka.

"Go’aankan wuxuu ku saleysan yahay isfaham la’aan joogto ah, maamul xumo la xiriirta gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aanta ka jirta geeddi-socodka maaraynta gargaarka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo uu horey dhaliilo kulul u jeediyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, oo cambaareeyay SODMA isagoo ku tilmaamay gargaarkii ay u direen ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Macawiisley ee dagaalka kula jira Al-Shabaab “mid liita oo ceeb ah.”

Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in diyaarado labo ah oo SODMA soo dirtay ay kaliya wateen “kartoono yar oo raashin ah,” taasoo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin marka la eego naf-hurnimada ciidamada deegaanka ku sugan.

SODMA weli kama aysan jawaabin hadallada kasoo yeeray guddoomiyaha Hiiraan ama go’aanka wasaaradda Hirshabelle. Si kastaba, tallaabadan ayaa sii hurinaysa walaaca laga qabo iswaafajinta u dhaxeysa hay’adaha gargaarka ee federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, xilli dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM