HirShabelle: Kolanyo uu la socdey mas'uul oo la qarxiyey

Image
Maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle ayaa doonaya in ay si muuqata ula wareegaan degmada Matabaan.

BELEDWAYNE, Hiiraan – Inta ka xaqiijiyey 3 ruux ayaa ku dhimatay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari NOHO ah oo ay saarnaayeen Qarax Miino kula kacday Duleedka deegaanka Qabno oo ka tirsan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay ayaa is kugu jiray Wadahii gaariga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadoow iyo labo qof oo kale , halka ay dhaawacto yihiin Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle.

Dhaawaca saddexda qof ayaa loo qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si diyaarad loogu soo qaado magaalada Muqdisho oo loogi dabiibo xaaladooda caafimaad.

Gaariga Miinada la kacday ayaa kamid ah Kolonyo gaadiid ah oo la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiaan Cali Jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Qeeybta 27aad oo howlgal ka wado inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan Mudooyinkii danbo.

Gudoomiye gobolka Hiiraan ayaa hoggaaminayay howlgal ciidanka milatariga Soomaaliya ka wadeen deegaan dhaca inta u dhexaysa degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxa ayna halkaasi kula dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle ayaa doonaya in ay si muuqata ula wareegaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaas maalmihii la soo dhaafay weeraro ka gaysteen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM