HirShabelle: Kolanyo uu la socdey mas'uul oo la qarxiyey

Image
Maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle ayaa doonaya in ay si muuqata ula wareegaan degmada Matabaan.

BELEDWAYNE, Hiiraan – Inta ka xaqiijiyey 3 ruux ayaa ku dhimatay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari NOHO ah oo ay saarnaayeen Qarax Miino kula kacday Duleedka deegaanka Qabno oo ka tirsan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay ayaa is kugu jiray Wadahii gaariga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadoow iyo labo qof oo kale , halka ay dhaawacto yihiin Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle.

Dhaawaca saddexda qof ayaa loo qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si diyaarad loogu soo qaado magaalada Muqdisho oo loogi dabiibo xaaladooda caafimaad.

Gaariga Miinada la kacday ayaa kamid ah Kolonyo gaadiid ah oo la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiaan Cali Jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Qeeybta 27aad oo howlgal ka wado inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan Mudooyinkii danbo.

Gudoomiye gobolka Hiiraan ayaa hoggaaminayay howlgal ciidanka milatariga Soomaaliya ka wadeen deegaan dhaca inta u dhexaysa degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxa ayna halkaasi kula dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle ayaa doonaya in ay si muuqata ula wareegaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaas maalmihii la soo dhaafay weeraro ka gaysteen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM