HirShabelle oo dhameystiraysa xulista xubnaha Golaha Shacabka

Image
Maamulka Guudlaawe ayaa lagu ammaanay qaabka uu u maareeyay xulista Aqalka Hoose.

JOWHAR, HirShabelle – Magaalada Jowhar waxaa sabtiga maanta ah lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada saddexda kursi ee ku harsan Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo kala ah: HOP#135, HOP#141 iyo HOP#146.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle oo shaaciyay doorashada kuraastaan ayaa diyaariyay Doorasho si xor iyo xalaal ah u dhacdo oo ay ku tartamaan musharixiinta isu diiwaangelisay.

Kuraasta Doorashadoodu maanta lagu qabanayo waxaa kamid ah HOP#135 oo ay ku fadhisay AHUN Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne 23kii Maarso 2022.

HOP#135 oo deegaan-doorashadiisu tahay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo wareejiyay Jowhar oo ah Caasimadda DG Hir-Shabeelle si loogu daro labada kursi ee lagu wado in la doorto.

HOP#135: Kursigaan waxaa ka geeriyootay AHUN Aamina Maxamed Cabdi.

HOP#141: Wasiir hore ee Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku fadhiya.

HOP#146: Waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo uu hoggaamiyo madaxwayne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Dowlad-goboleedkii ugu dambeeyay ee doorta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee saami ahaanta uga soo aaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM