HirShabelle oo dhameystiraysa xulista xubnaha Golaha Shacabka

Image
Maamulka Guudlaawe ayaa lagu ammaanay qaabka uu u maareeyay xulista Aqalka Hoose.

JOWHAR, HirShabelle – Magaalada Jowhar waxaa sabtiga maanta ah lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada saddexda kursi ee ku harsan Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo kala ah: HOP#135, HOP#141 iyo HOP#146.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle oo shaaciyay doorashada kuraastaan ayaa diyaariyay Doorasho si xor iyo xalaal ah u dhacdo oo ay ku tartamaan musharixiinta isu diiwaangelisay.

Kuraasta Doorashadoodu maanta lagu qabanayo waxaa kamid ah HOP#135 oo ay ku fadhisay AHUN Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne 23kii Maarso 2022.

HOP#135 oo deegaan-doorashadiisu tahay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo wareejiyay Jowhar oo ah Caasimadda DG Hir-Shabeelle si loogu daro labada kursi ee lagu wado in la doorto.

HOP#135: Kursigaan waxaa ka geeriyootay AHUN Aamina Maxamed Cabdi.

HOP#141: Wasiir hore ee Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku fadhiya.

HOP#146: Waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo uu hoggaamiyo madaxwayne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Dowlad-goboleedkii ugu dambeeyay ee doorta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee saami ahaanta uga soo aaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM