HirShabelle oo “ku foogan” ciribtirka dagaalameyaasha Al-Shabaab

Image
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay soo gaaray magaalada Balcad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay soo gaaray magaalada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Gen. Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha yar ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.

“Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga Khawaarijta, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa cashirradii loo dhiggay Khawaarijta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM