HirShabelle: Ugu yaraan lix qof oo ku nafwaayey qarax miino

Image
Sida ay xogta caddeyneyso, qaraxa ayaa ahaa mid lagu sii diyaariyey goobta uu ka dhacay.

JOWHAR, HirShabelle - Ugu yaraan lix qof ayaa lagu waramay in ay ku geeriyootay qarax Isniinta maanta ah ka dhacay degaanka Qalimow oo u dhow degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe.

Falkan oo la aaminsan yahay in uu ahaa miino goobta lagu sii diyaariyay ayaa dadka dhintay "waxaa kamid ah seddex qof oo rayid ah iyo seddex askari," sida ay GO u sheegeen ilo-wareedyo amni.

Sida ay xogta caddeyneyso, qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay goob maqaaxi ah. "Malkiilaha maqaayadda oo ahayd haweenay ayaa ku jirta dadka nafwaayey," ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

"Illaa tobban qof oo u badan rayid kuna waxyeeloobay qaraxa ayaa loola cararay goobaha caafimaadka Jowhar si Muqdisho loogu sii qaado," ayuu yiri wariye madax-banaan oo la hadlay Garowe Online.

Degaanka Qalimow oo qiyaastii 30 KM dhanka koonfur caasimada Muqdisho uga beegan ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo lagu beegsadey xarumo kala duwan.

Asbuucyo kahor, weerar ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ku qaadey saldhiga booliska waxaa lagu dilay laba askar, halka tirro kale ay kasoo gaartey dhaawacyo heerar kala duwan ah.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad oo sanadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ka geysatay weeraro waxaa shaqsiyaadka ku baxay kamid ah Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo hoostaga HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM