Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Image

JILIB, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fiidkii Khamiista ku dhawaaqday in duqeyn qorshaysan oo la fuliyay 10-kii December, laguna beegsaday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, lagu dilay laba ka mid ah horjoogayaasha ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaannay Injineer Ismaaciil, kaasoo ahaa maskaxda qaraxyada u qaabilsan Al-Shabaab, isla markaana madaxiisa uu Mareykanka dul dhigey abaalmarin lacageed oo gaareysa $5 milyan.

Sidoo kale, duqeynta ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Maxamed Xersi, oo loo yaqaanay Qoorleex, kaasoo ahaa isku-duwaha goboleed ee muhiimka ah, kana mid ahaa shaqsiyaadka kooxda u qaabilsanaa warbaahinta iyo faafinta dacaayadaha.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, lana fuliyay iyadoo taageero laga helayo saaxiibada caalamiga ah, ujeedkiisuna ahaa “in la burburiyo hoggaanka, sirdoonka, iyo shabakadaha marin-habaabinta ee kooxda, xilli ay socoto dagaal daba-dheer oo ka dhan ah argagixisada.”

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ballan-qaadday in la beegsan doono hoggaanka iyo awoodda farsamo ee kooxda si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM