Hogaamiye AS oo maalgeliyay weerarradii Westgate iyo Dusit oo lagu dilay Soomaaliya

Image

NAIROBI - Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Maxamed Mire oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan oo soo noqday madaxii dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeyn 24-kii December. 2024. Wuxuu ahaa maalgeliyaha weeraradii Westgate Mall iyo Dusit-D2 ee 2013 iyo 2019.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Isniintii sheegay in duqeyn cirka ah ay ka fuliyeen meel ku dhow deegaanka Kunyo Barrow oo 260 KM u jirta magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dilay labo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Maxamed Mire.

“Mire, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Cabdiraxmaan, wuxuu kamidahaa Al-Shabaab 15-kii sano ee la soo dhaafay. Marka laga soo tago in uu ka mid ahaa xubnihii ugu mudada dheeraa Al-Shabaab, waxa uu soo noqday wasiirka arrimaha gudaha, waxa uuna door muhiim ah ka qaatay go’aan gaarista istaraatiijiyadeed ee kooxda,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AFRICOM.

AFRICOM ayaa sheegtay in aysan shaacin karin howlgalladaasi xogtiisa oo dhameystiran, waxa ayna sheegeen kaliya in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dad shacab ah.

Maxamed Mire waxa uu Al-Shabaab kala qayb qaatay maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, diyaarinta, ama fulinta weerarada Kenya iyo Soomaaliya. Wuxuu ahaa madaxa maaliyadda ee al-Shabaab intii lagu guda jiray weerarradii Westgate Mall (2013) iyo DusitD2 (2019).

Labada weerar ayaa lagu dilay ku dhawaad 100 qof, iyadoo ay noqdeen weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo Al-Shabaab ka fuliso Kenya, oo Ciidankeeda ka howlgalayaan dalka, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM