Hogaamiye hore oo burcadbadeed oo lagu weeraray Mudug

Image

HOBYO, Galmudug – Ugu yaraan saddex ayaa ku dhimatay tirro kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii weerar jidgal ah uu Sabtida maanta ah uu ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

Duulaanka oo lagu beegsaday kolanyo galbineysay Maxamed Garfaanje, oo ah hogaamiye hore oo burcad-badeed, ayaa waxaa lagu waramayaa in xubnaha geeriyoodey ay ilaaladiisa ahaayeen.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in Garfaanje oo la tilmaamay in la doonayey in "lagu khaarijiyo" gulufkaasi uu si dirqi ah kaga badbaadey.

Mas'uuliyiinta oo aan kala caddeyn hadii uu iska hor-imaad yimid ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in gulufkan uu ka dhacay tuuladda Gawaan oo 30 u jira degmada xeebta ah ee Hobyo, gobolka Mudug.

Inkasta oo macluumaadka ay isa soo tarayaan, lama ogga waxay ahaayeen dableyda iyo ujeedada ka dambeysay weerarka balse fahfaahino soo baxaya ayaa muujinaya inay maleyshiyaad degaanka ah.

Degaanada Galmudug si gaar ah Hobyo oo ay ku taalo xeeb isla markaana ah magaalo qadiimi ah ayaa waxaa hore looga soo wariyey falal qafaalasho maraakiib iyo shaqsiyaad ajaaniib ah.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo lagu wado in dhowaan degmada Hobyo ay ka bilaabato dib u dayactirka dekadda oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay wadanka Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM