Hogaamiye hore oo burcadbadeed oo lagu weeraray Mudug

Image

HOBYO, Galmudug – Ugu yaraan saddex ayaa ku dhimatay tirro kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii weerar jidgal ah uu Sabtida maanta ah uu ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

Duulaanka oo lagu beegsaday kolanyo galbineysay Maxamed Garfaanje, oo ah hogaamiye hore oo burcad-badeed, ayaa waxaa lagu waramayaa in xubnaha geeriyoodey ay ilaaladiisa ahaayeen.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in Garfaanje oo la tilmaamay in la doonayey in "lagu khaarijiyo" gulufkaasi uu si dirqi ah kaga badbaadey.

Mas'uuliyiinta oo aan kala caddeyn hadii uu iska hor-imaad yimid ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in gulufkan uu ka dhacay tuuladda Gawaan oo 30 u jira degmada xeebta ah ee Hobyo, gobolka Mudug.

Inkasta oo macluumaadka ay isa soo tarayaan, lama ogga waxay ahaayeen dableyda iyo ujeedada ka dambeysay weerarka balse fahfaahino soo baxaya ayaa muujinaya inay maleyshiyaad degaanka ah.

Degaanada Galmudug si gaar ah Hobyo oo ay ku taalo xeeb isla markaana ah magaalo qadiimi ah ayaa waxaa hore looga soo wariyey falal qafaalasho maraakiib iyo shaqsiyaad ajaaniib ah.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo lagu wado in dhowaan degmada Hobyo ay ka bilaabato dib u dayactirka dekadda oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay wadanka Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM