Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Image

MOGADISHU, Soomaaliya — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa ku guuleystay inay dileen hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab kadib duqayn ay ka fuliyeen deegaanka El-Ba’ad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Duqayntan, oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyadoo ay taageerayaan xubno caalami ah, ayaa lagu dilay Yusuf Dheg-naas, oo ahaa shaqsi muhiim ah oo isku dubaridi jiray howlgallada Al-Shabaab ee gobolka. Shabeellaha Dhexe ayaa noqday goob dagaal waqtiyadii u dambeeyay.

Duqayntan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wiiqayo faraca Al-Qaacida ee Bariga Afrika, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Dilka Yusuf Dheg-naas ayaa ah guul muhiim ah, iyadoo uu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh Al-Shabaab.

Ciidanka Maraykanka ayaa si toos ah ula shaqeynayay ciidamada Danab ee gaarka ah, oo ay tababareen Maraykanku. Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isniintii mar kale caddeeyay ballanqaadkiisa ah inuu taageero buuxda siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay inay fuliso ballanqaadkaas.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo celiyay cafiska uu horey ugu fidiyay xubnaha Al-Shabaab, isagoo sheegay inay weli fursad u haystaan inay ka baxaan kooxda, oo ay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Maraykanku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay digniinaha amniga ee Mareykanka oo sheegaysa in Muqdisho ka dhici karaan weeraro ay fulinayso Al-Shabaab, kuwaasoo qaar ku wajahan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM