Hogaamiyeyaal Al-Shabaab ah oo duqeyn lagu khaarijiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saraakiil iyo dagaalameyaal Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacdey gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda xogga Soomaaliya.

Sida ku xusan warbixinta Idaacda SNA, duqeynta oo ay iska kaashadaan ciidamadda Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah waxay ka dhacdey tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka Janaale.

"Horjoogayaasha duqeeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo horjoogihii canshuuraha ee deganaada Hanta-wadaag ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose iyo Macalin Yuusuf oo kamid ahaa horjoogihii Amniyaadka gobolka Shabeelaha Hoose iyo horjooge kale oo saraakiisha ay noo sheegeen inay soo gudbin doonaan magaciisa," ayay baahisay Idaacadda ciidanka.

Warbixinta oo lagu soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamadda Soomaaliya oo magacyadooda aan lasoo bandhigin ayaa intaas ku dartay in xubno gaaraya shan oo ilaalo u ahaa horjoogeyaasha ay ku dhinteen howlgalka.

Marka laga soo tago sheegashadan, ciidamadda Soomaaliya ayaanan soo bandhigin caddeymo ku saabsan qaabka falku dhacay ama sawiro.

Maleyshiyada Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa dhankooda waxa aysan wali ka hadlin duqeyntan.

Mareykanka ayaa aalaaba wuxuu Soomaaliya ka fuliyaa duqeymaha dhanka cirka ah, isaga oo beegsada maleyshiyaad Al-Shabaab iyo hogaankooda. Gobolka Shabelelaha Hoose waa mid kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM