Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa gaarsiisay Deeq kala duwan oo ka kooban raashiin isugu jira Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir Isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan kaasi oo faafaahin kabixiyay deeqda ay gaarsiiyeen isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb isagoo tilmaamay deeqdan ay qeyb katahay barnaamijka taakuleynta iyo afurinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba maadaama lagu guda jiro bisha ramadaan oo uu jiro sicir barar baahsan oo dhanka raashinaka qutul daruuriga.

Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb madaxa isbitaalka dhimirka oo deeqda gudoomay ayaa uga mahad celiyay hay’ada Hormuud Salaam Foundation caawinaada ay soo gaarsiiyeen, isagoo tilmaamay in mar waliba sidan oo kale ay caawin uga helaan marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo iyana goobta kahadashay ayaa timaamtay in deeqda hay’ada Samafal ee Hormuud Salaam Foundation ay muhiimad gaar ah u leedahay dhibanayaasha isugu jira raga iyo dumarka ku xareesan isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb.

Barnaamijka lagu taakuleynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, iyadoo madaxda hay’ada ay balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM