Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Image
Image
Image
Image

Kismaayo, Soomaaliya – Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay laami cusub oo ay ka dhistay xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, kaasoo loo arko mid wax weyn ka tari doona isu socodka, ganacsiga iyo bilicda caasimadda KMG ah ee Jubaland.

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation ayna hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj, ayaa si gaar ah ugu fidsan inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha magaalada iyo Qiilmawaaye Hotel, isagoo dhex marta suuqa Calanleey – oo ah halbowlaha dhaqaale ee magaalada Kismaayo.

Intaa waxaa dheer, laamiga waxaa loo sameeyay biyamareen casri ah oo waafaqsan qaab-dhismeedka magaalooyinka horumarsan, si looga hortago daadadka roobka, loogana shaqeeyo nadiifinta deegaanka. Tani waxay qayb ka tahay dadaallada hay’adda Hormuud Salaam Foundation ee ku aaddan dib-u-dhiska dalka, samafalka, iyo horumarinta adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Maxamed, Xoghayaha Guud ee degmada, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka arrimaha bulshada, guddoomiye-yaal xaafadeed, odayaal dhaqameed iyo wakiillo ka socday Rugta Ganacsiga Jubaland. Mas’uuliyiinta iyo dadweynaha deegaanka ayaa si weyn u bogaadiyay mashruuca, iyagoo sheegay in laamigan uu wax ka beddelayo noloshooda, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyo quruxda magaalada.

“Waa maalin weyn oo taariikhi ah. Laamigan cusub wuxuu xiri doona bulsho kala fogaansatay, wuxuuna kor u qaadi doonaa dhaqaalaha magaalada,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaanka.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa horey ugu caan baxday hirgelinta mashaariic samafal iyo horumarineed oo ay ka mid yihiin biyo gelin, caafimaad, waxbarasho iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Mashruucan Kismaayo ka hirgalay ayaa ka marqaati kacaya doorka muuqda ee ay hay’addu ku leedahay dib-u-dhiska dalka.

Mashruucan cusub ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya ballanqaad dhab ah oo Hormuud Salaam Foundation ay u samaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanada ay adeegyada gaaraan si toos ah ugu saameeyaan noloshooda maalinlaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM