Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Calmiskaad oo lagu dilay xubno Daacish ah

Image

BOOSAASO, Soomaaliya – Ciidamada difaaca Puntland ayaa shalay qaaday howlgal ballaaran oo ka dhacay deegaanka Calmiskaad, gaar ahaan aagga Togga Daanyo, halkaas oo ay ku beegsadeen koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish, sida ay sheegeen ilo amni oo gudaha ah.

Howlgalka oo qeybtiisa hore dhacay subixii, ayaa lagu dilay saddex xubnood, iyadoo gelinkii dambe ay ciidamadu ay dileen shan kale, taas oo tirada guud ee la xaqiijiyay ka dhigaysa siddeed.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in kooxda la bartilmaameedsaday ay tiro ahaan ahaayeen toban xubnood, kuwaas oo qaabilsanaa ururinta lacago iyo xoolo baad ah oo laga qaadi jiray dadka ku dhaqan Sixna iyo Daanyo, deegaanno ku dhow togga Jeceel ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland oo ka qeyb galay howlgalka ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay ku dhinteen iska horimaadka, halka uu tirro dhaawac ahi jiro balse aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu hakaday galabnimadii markii kooxda la weeraray si buuxda looga adkaaday, iyadoo ciidamadu weli ku sugan yihiin goobaha ay ka baxeen kooxdii la beegsaday.

Howlgalkan wuxuu imaanayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jireen dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay sameynayeen dagaalamayaasha Daacish, kaddib markii ciidamada Puntland ay dib uga soo gurteen furimihii Baallade.

Ilo amni ayaa tilmaamay in kooxda ay isku dayayeen inay isu kala gudbaan togaga Baallade iyo deegaano u dhow, taas oo keentay in la adkeeyo dhaqangelinta howlgalada ka dhanka ah.

Maamulka Puntland weli kama uusan hadlin dagaalka maanta dhacay, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay in qabanqaabada hawlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ay sii socon doonaan.

Howlhalka Hilaac oo soo billowday 2024, ayaa galay wajigii ugu dambeeyay, waxaana Ciidamada Puntland ay kusii dhawaanayaan goobihii ugu dambeeyay ee Daacish ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM