Howlgalka la dirirka shufta-badeeda Soomaaliya oo "la joojinayo"

Image
Gacanka Cadan ayaa mar noqday goobta ugu qatarsan biyaha caalamka ee maraakiibtu maraan.

NEW YORK, USA – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa golaha amaanka Qaramada Midoobay ka codsatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee la-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021), laga billaabo 3-da bisha March 2022. Howlgalkaan ayaa ka socda mudo ka badan 10 sano.

Go’aankan ayaa yimid iyada oo ay wali jiraan kaluumaysato sharci daro ah ka dhaca xeebaha Soomaaliya inkastoo aysan jirin warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay xalis dhanka nabad-galyada ah ay ka jirto isu socodka gaadiidka badda ee mara badda wadankaan burburka ku jiray 30 sano ee la soo dhaafay.

Saraakiila ka tirsan Dowlada Faderaalka ah ayaa mashruucaan ugu yeeray la buun buuniyay oo dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, balse DF ayaa ku dhawaaqday gebi ahaan la xiro mushruucan loogu yeero dagaalanka burcad badeedka Soomaaliya.

Abuukar Daahir Cusmaan “Baale”, Danjiraha Soomaaliya ee QM ayaa shalay Golaha Ammaanka ee QM ka sheegay in guud ahaan la joojiyay mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

 “Shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena, sidaas darteed shaqada howlgalka caalamiga ee loogu magac daray la-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arrimo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka.” Ayuu hoosta ka xariiqay.

Gacanka cadan ayaa mar noqday goobta ugu qatarsan biyaha caalamka ee maraakiibtu maraan, waxaana uu ka mid yahay goobaha ugu mashquulka badan ee maraakiibtu ku badan tahay isagoo isku xira Yurub iyo Asia.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa in afartan qof ay wali haystaan burcad badeeda Soomaalida, markii ay ugu badnaayeen burcad badeeda Soomaalidu waxay qafaasheen oo gacantooda ku jiray in ka badan todoba boqol oo shaqaale markab ah iyo in ka badan sodon markab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM