Hub Turkigu keenay Soomaaliya oo u gacan-galay Al-Shabaab

Image
Al Shabaab ayaa barahooda internet-ka ku soo bandhigay Maydadka askarta ay dileen.

ANKARA, Turkey – Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka leh Al Qaacida ayaa gacanta ku dhigtay hub ay dowladda Turkiga ugu deeqday ciidanka milatariga Soomaaliya sida ay AMISOM ugala wareegaan amaanka dalka March 2022 oo la qorsheeyay in la soo gababagabeeyo howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa hubkaan qabsatay ka dib markii ay weerar xooggan ku qaaday saldhig milatararigu ku leeyahay deegaan lagu magacaabo Sina-dhaqo oo qiyaastii 20 KM Koofur uga began caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb.

Dagaalka oo dhacay Talaadadii ayaa lagu dilay ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidanka Gorgor ee ay tababartay Dowladda Turkiga sida ay saraakiil amaan u xaqiijiyeen warsidaha Garowe Online.

Al Shabaab, ayaa barahooda internet-ka ku soo bandhigay Maydadka askarta ay dileen iyo hubka ay furteen ciidanka waxa ayna sheegeen in ay jab xooggan gaarsiiyeen ciidanka Xoogga dalka saldhigana kala wareegeen.

Hubka ay soo bandhigeen Al Shabaab ayaa wata calanka Turkiga, waxaana ku qoran “made in Turkey” macnaheedu yahay waxaa lagu soo saaray wadanka Turkiga, taas saraakiishu sheegeen in ay dhabar jab ku tahay dib dhiska milatariga dalka.

Sarkaal lagu magacaabo Sheekh Abuu Khaalid oo Al Shabaab u qaabilsan gobolka ayaa goobtii ay ku soo bandhigeen hubka kala hadlay dadka deegaanka ayaa u sheegay in ay ciidanka dowlada gaarsiiyeen jab xooggan hub iyo saanad ciidana ay ku furteen dagaalka.

Saraakiisha milatariga ayaa dhankooda sheegay in ay dagaalka khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al Shabaab, xeelad milatarina ay uga bexeen deegaanka.

Al Shabaab, oo dhawaan dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya qaybta ka howlgasha Galmudug ayaa kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaas oo ay culays xooggan saareen tan markii maamulka Galmudug uu deegaanadaas maamulkooda kala wareegay Ururkii Ahlusunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM