IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida inay sii wadaan wada-hadallada siyaasadeed, kadib markii ay burbureen wadatashiyo maalmo ka socday Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo mucaaradka.

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta dowlad-dhiska iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Ururka ayaa dhinacyada siyaasadda isku haya ku boorriyay inay gaaraan heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo kala-guurka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayaa iyaguna ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay muujiyaan tanaasul siyaasadeed isla markaana ay gaaraan is-afgarad lagu xallinayo khilaafaadka taagan.

Beesha caalamka ayaa muujisay walaac ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dalka uu galay marxalad kala-guur ah oo u baahan wada-shaqeyn siyaasadeed iyo hannaan loo dhan yahay si looga fogaado xasillooni darro horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM