Ilhaan Cumar oo ka hadashay doorashadda Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Minisoota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Omar ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Soomaaliya.

“Waa in aan aad ooga dadaalnaa sidii ay doorasho ooga dhici lahayd Soomaaliya, anaga waxaan dhahnaa dalka Ameerika waa dal dimuquraadiyadda aaminsan, qofkastana fursad loo siiyo in uu madaxweynihiisa doorto,” ayay tidhi.

Ilhaan Omar ayaa sidoo kale sheegtay in aan doorashada mar kale dib loo dhigin.

“Madaxweynihii Soomaaliya waqtigiisa wuu dhammaaday, hadda waxey ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn madaxweyne sharci ah,” ayay sii raacisay.

Hadalka Ilhaan Omar ayaa kusoo beegmaya xilli mudadii loo qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorasha xildhibaanada aqalka hoose ay maanta ku egtahay, ayadoo wali maamul goboleedyada badankooda aysan soo dhameystirin kuraasta xubnaha ku matali lahaa golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM