Imaaraadka iyo Masar oo "ciidan qarsoodi ah" ka qoranaya Muqdisho

Image
Sidda ay warbixinadda muujinayaan, askarta "la shaqaaleysiineyo" ayaa da'dooda u dhaxeysaa 18 ilaa 28 jir.

NAIROBI, Kenya - Bartamaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda qorshe sir ah oo ay wadaan Imaaraadka iyo Masar oo lagu shaqaaleynayo laguna tababarayo ku dhawaad ​​3,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, sida ilo-wareedyo badan ay u sheegeen mareeg Middle East Eye.

Fulinta qorshahan oo billowday bilo ka hor, ayaa dadka la qorayay oo da’doodu u dhaxaysaa 18 ilaa 28 jir, waxaana loo ballan qaaday in ay heli doonaan mushaar fiican, iyadoo qaar badan oo ka mid ah horay loogu diray dalka Masar si ay u soo qaataan tababar ciidan, kuwaasoo uu Imaaraadka maalgelinayo.

Sida ku xusan warbixinta, malafkan ayaa shaki ka abuuray Itoobiya oo ay Qahira isku hayaan Mashruuca Biyo-xireenka weyn ee Nile, iyo sidoo kale Turkiga iyo Qatar oo labaduba saameyn ku leh Soomaaliya sannadihii u dambeeyay. Xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha lagu qoray askarta.

"Askarta la shaqaaleysiiyay oo u badan qoysas danyar ah ayaa inta aan la diiwaan gelin lagu sameeyay baaritaan caafimaad iyo mid amni, iyagoo isku diiwaan geliyay inay masruufaan dadka ay jecel yihiin," ayay raacisay warbixinta.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in 120 kamid ah askartaas laga soo xulay magaaladda Baydhabo ee caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali wax war ah kasoo saarin sheekadan. Isku-dayo xiriir oo hay'adaha ay khuseyso ay warbaahinta la sameysay ayaan gabi ahaanba guuleysan.

Marka loo eego mushaarka ciidamada dowladda oo qaato 200 oo dollar bishii, ciidamada Imaaraadka ay tababaraan ayaa la rumeysan yahay inay qaataan ugu yaraan 400 oo dollar bishii, taasoo dhiirigelin xooggan u ah dadka go’aansada inay isdiiwaangeliyaan.

Maamulkii Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ee xilka hayay 2017 ilaa bishii May ee sanadkan ayaa lagu dhaliilay inuu dhalinyaro si qarsoodi ah tababar ciidan ugu diray dalka Eritrea sanadkii hore.

Dadka dhaleeceeyay waxaa ka mid ah madaxweynaha haatan xilka Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo qudhiisa shaqo arrintaas lamid ah uu maamulkiisa gacanta ku haayo.

Imaaraadka iyo Masar ayaa dibad-joog ka ahaa siyaasadda Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay, halka Qadar iyo Turkiga ay waayo wacan ku qaateen galaangalkooda iyadda oo la rumeysan yahay in qorshaha tababarka Eritrea loogu diray ciidamadda Soomaaliyeed ay wax ka ogaayeen ayna maalgelisay Dooxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM