Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Image

MUQDISHO — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay joojisay taageeradii dhinaca amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya, kaddib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uga baxday heshiisyadii u dhexeeyay labada dal.

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga. “Taageerada ay dowladda Imaaraadku bixin jirtay badankeeda waxay ku koobneyd dhinaca ciidamada. Maaddaama heshiisyadii laga baxay, ma jirto sabab muuqata oo taageeradaas ay ku sii socon karto,” ayuu yiri.

Bishii Janaayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen kuwa la xiriira iskaashiga amniga, iyadoo ku eedeysay Imaaraadka inuu faragelin ku hayo arrimo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in inkastoo taageerada amni la joojiyay, xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uusan go’in. Wuxuu tilmaamay in safaaradaha labada dal ee ku kala yaalla Muqdisho iyo Dubai ay si caadi ah u shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in xiriirka guud ee labada dowladood uu weli taagan yahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ay qaateen uusan wax xiriir ah la lahayn eedeymaha loo jeediyay Imaaraadka ee ku saabsan faragelinta lagu sheegay inuu ku hayo dalalka Suudaan iyo Yemen, isagoo xusay in arrintu si gaar ah ugu saabsan tahay heshiisyadii labada dal u dhexeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM