Imaaraadka oo war kasoo saarey qaraxii ismiidaaminta ee Gaalkacyo

Image

ABU DHABI, UAE – Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee 21-kii December, 2019, ka dhacay banaanka huteel ku yaala koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Qaraxaas oo Al-Shabaab lagu eedeeyay ayaa sababay dhimashadda shan ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 kale oo badankooda shacab ah.

Taliyaha Ciidamadda Lugta dowladda federaallka Soomaaliya, Cabdixakiim Maxamed Dirir, iyo saraakiil kale ayaa ka badbaaday weerarka oo dhacay xili ay kasoo baxayeen huteelka.

Saraakiisha ayaa kulan ku lahaa huteelka, sidda laga soo xigtay Dirir, oo ku adkeystay aysan baqdin gelin doonin "falalka noocaan ah oo ay ka dambeeyaan canaasiirta shacabka gumaadda".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo dhacdadaas ku tilmaamtay "mid argagixiso" ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay sidii loo cirib-tiri lahaa xagjiriinta si gobolka u noqdo mid xasiloon.

"Wasaaraddu waxay tacsi u direysaa eheladda dadkooda ku waayey, waxayna soo kabasho degdeg ah u rajeyneysaa bukaanadda," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo Garowe Online arkay.

Sikastaba ha ahaatee, qaraxaas ayaa ahaa midkii labaad oo noociisa oo kaliya sanadkan 2019-ka ka dhaca koonfurta Gaalkacyo, oo uu ka jiro maamul hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliya ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM