Indha-qarshe oo ka jawaabay amar kasoo baxay Kheyre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed, Jenaraal Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe] ayaa wuxuu ka jawaabay amar uu Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre dul-dhigay taliska iyo wasaaradda difaaca.

Kheyre ayaa faray madaxda hay’addahani inay dar-dargeliyaan olalaha dib dhiska loogu sameynayo ciidanka xooga Soomaaliyeed, si ay masuuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka AMISOM.

Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaa xusay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqan-gelin doonaan amarka Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo afka ku balaariyay inay doonayaan in isbedal laga dareemo ciidamada sanadka 2019.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu daboolka ka qaaday taliyaha inay sidoo kale xoojin doonan dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab oo uu cod dheer ku qeexay inay diyaarinayaan qorshayaal lagu soo afjaro.

“Waxa aan la dagaalameyno waa koox aanan garaneynin, oo nagu dhex-nool, oo guryaheena jiifta, kana cunteeya, balse waxaan ka shaqaynayaa sidii aan uga adkaan lahayn,” ayuu yiri Taliye Indha-qarshe.

Indha-qarshe iyo Khayre ayaa kawada qayb-galay maanta oo Talaado ahayd munaasabad ka qabsoontay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taasi oo lagu dhiirageliyay hogaanka iyo ciidamadda xoogga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM