Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Image

Dalka Ingriiska ayaa si rasmi ah u hakiyey wadahadalladii heshiiska ganacsi ee cusub ee ay la lahaan laheyd Israel, iyadoo sabab uga dhigtay ficillada sii kordhaya ee ay dowladda Netanyahu ka waddo marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee wadanka Ingriiska, David Lammy, ayaa maanta hortagay baarlamaanka isagoo sheegay in wadahadallada la joojiyey, isla markaana dib loo eegi doono dhammaan iskaashigii labada dhinac ee ku salaysnaa istaraatiijiyadda 2030. Lammy wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid lama huraan noqotay, kaddib markay xukuumadda Netanyahu qaaday ficillo aan laga aamusi karin.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo dalka Ingriiska, Faransiiska iyo Kanada si isku mid ah u cambaareeyeen duullaanka cusub ee Israel ka waddo Gaza, iyagoo ku tilmaamay mid “aan loo meel dayin” oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Saddexdan dal ayaa sidoo kale uga digay Israel inay wajahdo cawaaqib dhab ah – oo ay kamid yihiin cunaqabatayn gaar ah – haddii aysan joojin weerarada iyo xannibaadda gargaarka.

Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa si toos ah u dhaleeceeyay xukuumadda Israel isagoo ka hadlayay baarlamaanka, isagoo ku celiyey baaqa xabbad joojin degdeg ah. Wuxuu sheegay in dhibaatada bani’aadantinimo ee Gaza ay tahay mid aan la aqbali karin, ayna lagama maarmaan tahay in Israel joojiso weerarada iyo dhismaha sharci darrada ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa cambaareeyay hadallada kasoo baxay saddexda dal, isagoo ku eedeeyay inay abaal marin u fidinayaan kooxda Xamaas, oo weli haysta maxaabiis Israeli ah.

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka ku saarayo Israel, iyadoo xiisadda Gaza gaartay heerar cusub oo walaac badan dhalisay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM