UK oo shaacisay mowqifkeeda kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa dalka oo dhan ka bilowday wax ay ku sheegtey "halganka shacabka ee lagu soo afjarayo argagixisada".

LONDON, United Kingdom - Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, James Cleverly, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud.

Cleverly ayaa shaaca ka dhigay in ay Xasan isla soo qaadeenn iskaashiga Ingiriiska ee Soomaaliya. Villa Soomaaliya ayaan wali ka hadlin wadahadalkan.

"Waxaan sii wadeynaa taageerada dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. UK sanadkan waxay bixineysaa in ka badan £50m gargaar si aan ugu taageerno dadka Soomaaliyeed ee aadka ugu baahan cunto, biyo iyo daryeel caafimaad," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ergayga arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu eedeeyay dowladda Ingiriiska kuna tilmaamay mid gabtey kaalinteeda caawinta Soomaaliya.

Ergeyga madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Guardian ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa dhaleecayn culus dusha kaga tuuray hoggaanka dowladda Britain, oo uu sheegay in ay lumiyeen kaalintii ay ku lahaayeen adduunka, islamarkaasna dayaceen xulufadoodii adduunka oo ay Soomaaliya ugu horeyso.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in inkasta oo weli Britain ay Soomaaliya ka kaalmayso arrimaha amniga, haddane aysan qaadanin doorkii looga bartay ee ku aaddanaa abaaraha.

Waxa uu sheegay in xaaladda abaaraha ay tahay mid aad uga sii daraysa Soomaaliya, islamarkaasna ay jirto halis weyn oo ah in ay dad badan u dhintaan.

Soomaalida ayuu sheegay in ay yihiin dad adkaysi badan oo ka gudba caqabadaha qaar, balse loo baahanyahay in dowladaha adduunka ay garab ka siiyaan Soomaaliya sidii ay u heli lahayd maaliyadda loogu talogalay isbadelka cimilada si dalka loo geeyo qalabka beeraha iyo kalluumaysiga.

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM