Internet-ka Koonfurta Somalia oo dib usoo laabtey

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa maanta oo Isniin ah dib usoo laabtey adeegga Internet-ka Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia, oo uu ka maqnaa tan iyo bishii June 25.

Adeeggan maqnaashihiisa waxa uu saameyn ku yeeshay Howlaha iyo Shaqooyinka Hay’daha, xafiisyada dowladda, Shirkadaha Ganacsiga , Xawaaladaha iyo Dadka shacabka ah oo aad ugu tiirsanaa.

Cillada ayaa timid markii uu Markab MSC Alice, oo la sheegay in laga leeyahay dalka Switzerland uu jaray Fiilada Fiber Optic-ga ee marta badda hoosteeda, gaar ahaan meel ku dhaw magaalada Muqdishu.

Ganacsatada Koonfurta Somalia ayaa khasaarey 23 Million oo Doolar, mudadii uu maqnaa Internet-ka.

Dowladda Federaalka ayaa ayaa xirtey Markabka Ganacsi ee jaray fiilada Internet-ka, kaasi oo laga dalbadey inuu bixiyo lacag mag-dhaw ah, inkstoo Shirkada markabka ay diiday eedayntaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM