​Internet la’aanta Muqdishu oo Magdhow loo raadinayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia, ayaa soo rogtay amar cusub oo ku aadan in magdhow laga bixiyo khasaaraha ka dhashay internet la’aanta ka jirta Koonfurta dalka, kadib markii la jaray Fiirada xiriirisa khadka ee dhex marta badda dhexdeeda.

Cilladan ayaa keenta in Somalia maalintiiba khasaarto in kabadan 10 Malyan sida dowladdu sheegtay.

Markabka lagu magacaabo MSC Alice, ayaa loo haystaa inuu ka dambeeyay dhibaatadaas, walow shirkadda iska leh ku doodayso in la keeno Cadaymo si jawaab looga helo.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somalia, Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in waqtigan dalka ka jirto kala dambayn iyo isla xisaabtan islamarkaana lasoo dhaafay xilligii wixii la rabo la fushan jiray dabadeedna la iska tagi jiray.

Wuxuu cidda ka iska leh Markabka fiilada Internet-ka gooyay ka codsaday inuu bixiyo Magdhow si looga soo kabto khasaaraha laxaadka leh ee dalka iyo dadkaba soo gaaray.

“Dalkan sharci iyo dowladda ayaa ka jirta, waxaan rabnaa in magdhow laga bixiyo khasaaraha ka dhashay internet la’aanta ka jirta Koonfurta dalka, Maalin kasta in kabadan 10 malyan ayaan khasaarnaa, Jawaab ayaan doonaynaa,”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Markabka dhibka gaystay MSC Alice, ayaa hadda ku sugan nawaaxiga xeebta Muqdishu, waxaana dowladda Somalia ku amartay inuusan ka dhaqaaqin aagaas ilaa xal laga helayo.

Internet-ka ayaa go’ay Ciidkii, waxaana Markabkan uu ku sugnaa nawaaxiga Muqdishu waqtiga cilladu timid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM