Is-faham laga gaarey ruqsad bixinta Kalluumeysiga Soomaaliya

Image
Wasiiradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka iyo Maamulada oo ku shiray Muqdisho ayaa ka heshiiyey qadiyadan.

MUQDISHO, Soomalaiya - Wasiiradda Kalluumeysiga dowlada Federaalka iyo Maamulada oo ku shiray magaalada Muqdisho 20-kii ilaa 22-kii bisha October ee 2022 ayaa ku heshiiyey lix qodob.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa wasaaradaha heer federaal iyo dowlad goboleed, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka, horumarinta xirfadda dhammaan dhinacyada ku howlan kalluumeysiga iyo dib u eegidda heshiiskii dakhli wadaagga kalluumeysiga ee lagu saxiixay Addis Ababa 22-kii Maarso 2019.

Shirkan waxaa shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Axmed Xassan Aden waxaana laga soo sooray qodobadan soo socda;

1) Waxaa la isla qaatey inuu sii shaqeeyo mudo sanad ah oo ka bilaabanaysa marka la faafiyo war-murtiyeedkan, Heshiiskii KMG ahaa ee qaybsiga dakhliga ka soo xarooda ruqsad bixinta Kalluumeysiga, kaas oo lagu saxiixay Magaalada Addis Ababa 22-kii Maarso 2019 iyadoo la waafajiyey heshiiskii lagu saxiixay magaalada Baydhabo 02-dii Febaraayo 2018.

2) Waxaa la isla qaatay dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga oo uu Gudoomiye ka yahay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee Xukuumadda JFS , xubno ka yihiin Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, si waafaqsan heshiiskii Baydhabo qodobkiisa 3aad, wuxuuna shir yeelanayaa Goluhu sanadkii afar jeer.

3) Waxaa la isla qaatey in la xoojiyo islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo kor u qaadidda barnaamijka cilmibaarista iyo uruurinta xogaha kheyraadka badda.

4) Waxaa la isla qaatey in si wada jir ah loo ilaaliyo Kheyraadka Kalluumeysiga iyo deegaankiisa la iskana kaashado cid walba oo dhibaateynaysa kheyraadkaas.

5) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda JFS, waxay balan qaadey inay ka caawiso Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS xoojinta wax soo saarka kheyraadka Kalluumeysiga waara, kor u qaadidda aqoonta xirfadlayaasha Kalluumeysatada, u qareemidda baahiyaha gaarka ah ee Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

6) Waxaa la isla qaatey iskaashiga la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darada ah (IUU) iyo cid walba oo garab ku siisa. 8. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS waxay bogaadinayaan dadaaladda ay Dowladda waddo ee dib u xoreynta dalka iyo la dagaalanka cadowga ragaadiyey umadda Soomaaliyeed, iyadoo muhim u tahay dadaaladaas socda ka faa’ideysiga dhinaca maalgashiga iyo wax soo saarka kheyraad Kalluumeysiga ee deegaanada xeebaha.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ugu kheyraadka badan dhanka badda hase ahaatee waxaa lagu tirayaa dalalka aan ka faa'iideysan kheyraadkaas laguna xado qaab sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM