Is-mari-waaga Farmaajo iyo Rooble oo isku badalay kala shaki

Image
Ammaanka aqalka looga taliye Soomaaliya ayaa la adkeeyay hogaanka dalka uu isku qabtay maareynta xilliga kala guurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya "gaari looga shakiyey qarax" oo Khamiista maanta ah lagu qabtey GATE ONE - iridka koowaad - ee laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Tafaasiisha qaar ayaa waxay xusaysaa in laga helay qaraxa, halka fahfaahin kale ay muujineyso in laga waayay. Hay'addaha ammaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan.

Ammaanka aqalka looga taliye Soomaaliya ayaa la adkeeyay hogaanka dalka uu isku qabtay maareynta xilliga kala guurka taasoo ku biyo shubatay kala shaki.

Dhanka kale, Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online ciidamadda la baxay Badbaado Qaran ee taabacsan mucaaradka Soomaaliya ay abaabul ka bilaabeen Muqdisho.

Askartan ayaa doonaysa in ay ka hortagaan talaabadda xigta ee taliska Mohamed Farmaajo qorsheynayo maalinta ciidanka xoogga ee 12-ka April - taasoo lagu tilmaamay "isku day-afgembi cusub".

Rabitaanka iyo "qooqa" siyaasadeed ee Farmaajo

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa yiri: "Nabad Iyo Nolol waa in Teendhada la geeyaa ayaga oo ay ka socoto oohinta, cayda iyo duufka".

Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte oo ka hadlay Garowe Online Space ayaa dhankiisa yiri: "Waa in aan u dulqaadan nalkuna maaweelin rabitaanka iyo qooqa siyaasadeed ee [Mohamed Farmaajo]".

Khilaafka Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqda mid haatan u rogtay dhanka xiriirka caalamka markii wasiirka koowaad uu eryay wakiilkii Midowga Afrika balse madaxweynaha waqtigu ka dhacay wuu qaadacay.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo fulineysa go'aanka Rooble ayaa ku amartay Francisco Madeira in uu dalka uga baxo waqtiga 48-da saac ee loo qabtay.

Mucaaradka ayaa ergaygii Midowga Afrika waxay ku qeexeen "calooshiis u shaqayste kamid ah CBB-da Farmaajo". Geesta kale, ergayga ayaan wali wax war ah kasoo saarin talaabadda xukuumadda xilgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM