Is-miidaayihii weerarkii mas'uuliyiinta lagu laayay oo la aqoonsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Baaritaano horudhac ah ay laamaha ammaanka sameyeen ayaa shaaca ka qaadeysa is-miidaayihii weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah xafiiska duqa Muqdisho.

Qaraxaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay todoba ruux oo gebigooda ah mas’uuliyiin, waxaana ku dhaawacmay lix kale oo uu ku jiro gudoomiye Cabdiraxmaan Eng Yariisow.

Macluumaadka laga helay baarista hay’addaha nabad-gelyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muujineysa in is-miidaayaha ay ahayd qof dumar ah. [Halkan ka akhriso khasaaraha]

Dhaawaca Eng Yariisow iyo mas'uuliyiin kale oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan heerkooda ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah loo qaado Qadar, si loo badbaadiyo noloshooda.

Xogaha ayaa intaasi raacinaya in haweenayda oo la sheegayo in ay ahayd ruux araga la’ (camoole) ay "ka caawineysay" Eng Yariisow Baahiyaha Gaarka ah ee dadka naafada ah, kana mid ahayd shaqaalaha xafiiskiisa.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda dhacdadan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkooda uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay, kaasi oo saacado kahor ka baxay xarunta gobolka Banaadir.

Haweenayda oo haysay xil dhif iyo naadir ah oo ah Isu-duwaha Baahiyaha Gaarka ah ee dadka naafada ah ee xafiiska Eng Yariisow ayaa waxaa jagadaasi loo dhiibay sanadkii hore.

Talaabadaasi ayaa waxay qayb ka ahayd dedaalo uu Eng Yariisow xal ugu raadinayey caqabadaha ay wajahayaan dadka naafadaha ah ee ku nool caasimadda, uuna ku kasbaday taageeroyaal badan.

Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa hore waxay ka digeen shaqsiyaad laba kaarleyaal ah oo la shaqeeya dowladda iyo dagalaameyaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM