Is-qabqabsi ka dhex-qarxay safaaradda Soomaaliya ee Roma

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay xudunta qalalaasahan ay soo faragelisay wasaaradda arrimaha dibadda.

ROMA, Italy – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Rome ee xarunta u ah gumeystihii hore ee Talyaaniga, kaasoo dhalin kara dood ku saabsan hab-dhaqanka diblomaasiyiinta oo la rabay inay xiriir ka dhex abuuraan dowladaha saaxiibka ah.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/saciid Muuse uu u yeertay Danjire C/raxmaan Sheekh Ciise, balse ma cadda sababta dhabta ah keentay khilaafkii ugu dambeeyay.

Taas bedelkeeda, wararku waxay sheegayaan in wasaaraddu ay sii hayaha xilka u magacawday Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, taasoo dhalisay kala qaybsanaan xooggan. Ergeyga ayaa ku doodaya in ku simaha ergeyga ay ahayd inuu ka soo dhex baxo shaqaalaha safaaradda.

Horay Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur waxa uu si la mid ah uga soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waxaana la is weydiinayaa go’aanka dib loogu celinayo dalka Talyaaniga inkastoo uu halkaasi ku leeyahay shaqaale tayo leh.

“Mar kasta oo aan fasax galo shaqada safaaradda waxaa maamula ku-simaha wakiilka safaaradda, haddii la magacaabayo ku-xigeenka waa inuu noqdaa shaqaale ka tirsan safaaradda,” ayuu yiri Danjire C/raxmaan Sheekh Ciise.

Safiirka ayaa ku doodaya in Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur iyo labo ka mid ah saaxiibadiisa ay gudaha u galeen dhismaha Safaaradda ee Roma, balse ay u diideen Safiirka iyo shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismahaasi, taasi oo keentay qalalaase.

Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa ilo-wareedyo kala duwan sheegeen, inuu qorsheynayo inuu hawlgeliyo saraakiisha ammaanka ee Talyaaniga si ay saddexdaas qof uga soo saaraan dhismaha Talaadada maanta ah. Wasaaradda ayaa wali ka hadlin arrintan inkastoo ay si hoose u shaaciyeen warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, mas'uuliyiinta Talyaaniga, ayaa la sheegay inay xaqiijiyeen isbeddelladii ugu dambeeyay ee safaaradda laakiin aan weli la bixin

Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo wata dukumeenti looga baahnaa. Soomaaliya waxa ay sidoo kale la dagaalameysa in ay xakameyso xagjirnimada gacan ka hadalka ah iyo khilaafyada siyaasadeed.

28-kii Maarso, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale lagu xaqiijiyay in Danjire C/raxmaan Sheekh Ciise loogu yeeray wadatashiyo gudaha ah. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wadda magacaabista safiro inkasta oo muddo xileedkiisa uu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM