ISIL-Soomaaliya oo soo dhawaysay amiirka cusub ee Daacish

Image
Kooxda ayaa si kastaba ha ahaatee, iska caabin kala kulantay Al-Shabaab, oo ah kooxda ugu badan ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda xiriirka la leh Daacish ee Soomaaliya, ayaa ballan qaaday in ay daacad u noqon doonto hogaamiyaha cusub ee lagu dhawaaqay khamiistii lasoo dhaafay, iyadoo kooxdan ay dooneyso in ay dib u habeyn ku sameyso howlgaleeda ka dib sanado badan oo khasaare ka soo gaaray howlgal ay abaabuleen kooxo badan oo milateri ah.

Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ayaa dagaal adag ugu jirta sidii ay dalkan ku yaalla Geeska Afrika uga dhiga leheed gabaad, balse dadaalkooda ayaa marar badan la fashiliyey. Kooxda ayaa joogitaan aad u kooban ku leh dowlad-goboleedka Puntland, waqooyi bari Soomaaliya.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa khaarajiyay saraakiil iyo dagaalyaho ka tirsan kooxda balse waxa ay mararka qaarkood weeraro ka fuliyaan tuulooyinka dhaca buuralayda Galgala iyo magaaladda Bosaso.

Sabtidii kooxdu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay u aqoonsan tahay Abu al-Hassan al-Hashemi al-Quraishi inuu yahay hogaamiyaha kooxda, maalmo uun ka dib markii la doortay. Hogaamiyaha cusub ayaa xilka kala wareegaya Abu Ibrahim al-Quraishi oo bishii hore geeriyooday isaga iyo dhaxal sugaha Abubakr AlBaghdadi.

Ururka Daacish ayaa laga aas aasay sanadkii 2015-kii buuralayda Puntland, waxaana aasaasay nin Somali-British ah oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin, kadib markii uu ka soo goostay Al-Shabaab.

Kooxda ayaa si kastaba ha ahaatee, iska caabin kala kulantay Al-Shabaab, oo ah kooxda ugu badan ee Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka talisa dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxayna muddo tobanaan sano ah isku dayday in ay samayso dhul balaarsi.

Loolanka labada kooxood ayaa sababay in ay adkeyso in labadoodaba ay sii balaartaan oo ay gaaraan deegaano hor leh, waxaana taasi faa’iido u tahay ciidamada kala duwan ee amniga.

ISIS ayaa qaaday weeraro jabhadeed tan iyo markii laga qabsaday dhulkii ugu dambeeyay ee Suuriya iyo Ciraaq. Ciidamada Mareykanka ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen dalka Suuriya ku dilay labadii hogaamiye ee ugu horeeyay kooxda.

Soomaaliya ayaa ahayd meel ay ka dhacaan falal Argagixiso, waxaana Mareykanka uu hadda ka fekerayaa suurtagalnimada in uu dib u soo celiyo ciidamadiisa si ay gacan uga geystaan la dagaalanka argagixisada. Mareykanka ayaa Soomaaliya kala baxay in ka badan 700 oo askari sanadkii hore kadib wareegto kasoo baxday madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM