Iska hor-imaad ka dhacay Dhuusamareeb xili uu shir ka furmayo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Is-rasaaseyn u dhaxeysay ciidamadda ammaanka iyo maleyshiyaad ayaa fiidnimadii Sabtida waxaa laga soo wariyey Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug.

Illo wareedyo ku sugan magaaladda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dableyda ay weerartay dhismaha Shirkoolo, halkaasi oo loo qorsheeyay Shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedkaasi.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor-imaadka oo la tilmaamay in la isku adeegsaday hub kala duwan.

Xog laga helay laamaha ammaanka ayaa waxay ku warameysaa in kooxaha hubeysan ee weerarka soo qaadey ay tiradoodu gaareysay 30 xubnood, kuwaasi oo watay dareeska ciidamadda booliska.

Maleyshiyaadka ayaa waxaa la sheegayaa in ay qayb ka ahaayeen ciidamaddii Alhu Sunna ee lagu qarameeyay Shirkii uu maamulkaasi la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, macluumaadyo kale ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in uu jiro khilaaf ka taagan fursadaha shaqadda iyo qandaraasyo la bixinayo oo ku aadan maalmaha uu shirka socdo.

Warbixinadda ayaa waxay tibaaxaya in qaar kamid ah ragga duulaanka soo qaadey ay ka careysan yihiin in ay waayeen qayb kamid ah fursadahaasi, taasoo dhalisay in ay gacanata ka hadlaan.

Hay'addaha nabad-gelyadda federaalka iyo Galmudug wali kama aysan hadlin dhacdadan oo imaaneysa iyadda oo ergooyinka ka qeybgalay shirka ay qaarkood ku sugan yihiin magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM