Iska hor-imaad ka dhacay Dhuusamareeb xili uu shir ka furmayo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Is-rasaaseyn u dhaxeysay ciidamadda ammaanka iyo maleyshiyaad ayaa fiidnimadii Sabtida waxaa laga soo wariyey Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug.

Illo wareedyo ku sugan magaaladda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dableyda ay weerartay dhismaha Shirkoolo, halkaasi oo loo qorsheeyay Shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedkaasi.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor-imaadka oo la tilmaamay in la isku adeegsaday hub kala duwan.

Xog laga helay laamaha ammaanka ayaa waxay ku warameysaa in kooxaha hubeysan ee weerarka soo qaadey ay tiradoodu gaareysay 30 xubnood, kuwaasi oo watay dareeska ciidamadda booliska.

Maleyshiyaadka ayaa waxaa la sheegayaa in ay qayb ka ahaayeen ciidamaddii Alhu Sunna ee lagu qarameeyay Shirkii uu maamulkaasi la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, macluumaadyo kale ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in uu jiro khilaaf ka taagan fursadaha shaqadda iyo qandaraasyo la bixinayo oo ku aadan maalmaha uu shirka socdo.

Warbixinadda ayaa waxay tibaaxaya in qaar kamid ah ragga duulaanka soo qaadey ay ka careysan yihiin in ay waayeen qayb kamid ah fursadahaasi, taasoo dhalisay in ay gacanata ka hadlaan.

Hay'addaha nabad-gelyadda federaalka iyo Galmudug wali kama aysan hadlin dhacdadan oo imaaneysa iyadda oo ergooyinka ka qeybgalay shirka ay qaarkood ku sugan yihiin magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM