Isku milanka Al-Shabaab iyo NISA oo kordhiyay walwalka shacabka

Image
Qaraxyada ayaa waxaa iska kaashaday NISA iyo Al-Shabaab, sida ay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa u fududay kooxda Al Shabaab, in ay weerar qoraxyo ah ka geystaan Bartamaha Soomaaliya habeenkii Arbacadii, sida ay sheegeen sarakaiil ka tirsan hay'daha ammaanka.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 108 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo khudbad ka jeediyay taleefishinka. "Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan wuxuushnimada ah," ayuu raaciyay.

Booliska ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu bartilmaamedsadey xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo dooneysay in mar kale dib loo doorto doorashada baarlamaanka ee ka socota xarunta madaxtooyada.

Aamina, oo si cad u dhaliili jirtay nidaamka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa lala dilay 20 kale oo ay ku jiraan dad ka tirsan qoyskeeda iyo ilaaladeeda.

Daqiiqado kadib ayaa gaari Toyota ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qarxiyay afaafka hore ee isbitaalka magaaladda iyadoo halkaas dad dhaawac ah loola cararay goobta.

Sida uu u dhacay weerarka Beledwayne

"Markii dadka dhaawaca ah la geeyey isbitaalka, gaari labaad oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay afaafka hore ee isbitaalka Beledweyne, iyadoo ay  korortey tirada dhimashada," ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle.

Abaare 7:30pm xiliga geeska Afrika ayaa wiil dhalinyaro ah oo ku labisan dareeska ciidamada Milatariga Soomaaliya oo horey gudaha ugu galay xarunta madaxtooyada uu isku qarxiyay goob aan ka fogeyn afaafka hore ee madaxtooyada halkaas oo ay mareysyay AHN xildhibaan Aamina. 

Sida ay sheegeen ciidamada deegaanka, ninkan ayaa ilaa galabta sugayay xildhibaanda, isagoo xitaa shaah ka cabay maqaaxi u dhow goobta qaraxu ka dhacay.

"Ninkani waxa uu ku jiray gudaha qasriga, waxa uu kala soo baxay ciidamo kale, waxa uu fadhiistay maqaaxi shaaha laga cabo ilaa galabta, waa wax aan la rumaysan karin in uu is qarxiyay," ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Booliska oo magaciisa ku soo koobay Maxamed oo u waramay Horn Observer.

Maalintii Khamiista, kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab ayaa ku faantay qaraxyada. Kooxda ayaa sheegtay in ay beegsadeen saraakiil ka tirsan dowlada oo ku sugana magaalada Beledweyne.

Askar ka tirsan NISA oo tagay Beledwayne

War qoraal ah oo ka kooban laba bog, kooxda argagixsada ayaa sidoo kale sheegatay mas'uuliyadda weerarkii lagu dilay ugu yaraan shan qof oo ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho oo si weyn loo ilaaliyo, xaruntaas ayaa sidoo kale martigelisa safaaradaha reer galbeedka iyo howlgalka Qaramada Midoobay duhurnimadii Arbacada.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr khabiir oo ku xeel dheer arrimaha amniga Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa hadda ka tirsan booliska Hirshabeelle iyo kuwa hore ayaa ka walaacsan in qaraxyadii ka dhacay Beledweyne ay mas’uul ka ahaayeen Al-Shabaab oo kaliya. Qaraxyada ayaa waxaa iska kaashaday NISA iyo Al-Shabaab, sida ay rumeysan yihiin saraakiishaas.

Booliska Hirshabeelle, ayaa sheegay inay baarayeen warbixin ku saabsan ilaa 10 askari oo aan la aqoonsan oo maalmo ka hor la geeyay magaalada Beledweyne.

“Waa saraakiil ka tirsan NISA, maalmo ka hor ayay gudaha u galeen magaalada Beledweyne, baaritaan ayaan ku wadnaa darawalkii gaariga ka soo qaaday garoonka” ayuu yiri sarkaal diiday in magaciisa la xigto.

Luuqadda adag ee Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale cadeeyay in uusan shaki ku jirin in weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne ay ahaayeen kuwo xiriir ah oo si wanaagsan la isku soo dubariday.

Rooble waxa uu sheegay in ay ula muuqatay in sababta loo beegsaday Xildhibaanad Aamina ay tahay doorkii ay ku lahayd halgankii cadaalada ee loo galay Marxuumad Ikraan Tahaliil oo ahayd haweenay ka tirsanayd shaqaalaha NISA oo la afduubtay bartamihii sanadkii hore laguna waayay gacanta Sirdoonka Qaranka.

Aamina lafteedu way garanaysay inay bartilmaameed u tahay laamaha ammaanka ee dawladda, waxaanay xataa cabsideeda la wadaagtay booliska, sida uu sheegay sarkaal ku sugan magaalada Beledweyne.

"Weerarkan wuxuu ahaa mid lagu doonayay in lagu carqaladeeyo cadaaladda laguna niyad-jabiyo cid walba oo ka hadasha arrimaha cadaaladda," ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Rooble isagoo ballan-qaaday inuu cadaaladda u marin doono kuwa ka masuulka ah.

Wadashaqeynta u dhaxeysa al-Shabaab iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa soo jirtay sanado badan. Dagaalada daba dheeraaday ee ay dowladdu ku doonayso inay ku jabiso maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa waxaa dhabarka u ritay Al-Shabaab oo gudaha u galay hay’adaha dowladda, xafiisyada iyo kooxaha ammaanka.

Xildhibaanimada dhiciska ah ee Fahad

Bishii Abriil 2019, mas’uuliyiintu waxay ku xireen degmada Maxaas ee ku taal bartamaha Soomaaliya guddoomiyaha, kaasoo u fududeeyay Al-Shabaab qarax lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkiisa.

Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii maxkamadda magaalada Muqdisho ay xukun ku ridday Cabdiweli Maxamed Macow oo ahaa taliyaha Nabad Sugida garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasoo lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay sidii kombiyutarka Laptop-ka ah oo qarax ah ku rakibanyahay loo saari lahaa diyaarad dibadda ah.

Qaraxa ayaa dhacay 15-daqiiqo kadib markii ay hawada kabaxday balse si mucjiso ah ayaa lagu guuldareystay in la soo soo rido diyaaradaasi, iyadoo si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Marka laga soo tago xaqiiqooyinkaas aan xasiloonayn oo ay ugu wayntahay dilkii duqii hore ee Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow  wuxuu iftiimiyay , xaqiiqada adag ee sida al-Shabaab ay u dhisteen hay’ad iyaga u gaar ah oo ka tirsan sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM