Isku-shaandheyn kooban oo lagu sameeyay xukuumada Soomaaliya

Image
Isbedelkan ayaa wuxuu saameeyay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda federaalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM