Isu-soo-bax ka dhan ah ku darsiga Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Isu-soo-bax looga soo horjeedo muddo kororsiga taliska Farmaajo ayaa ka bilowday isgoyska Fagax ee ay la wareegeen ciidamadda kasoo horjeeda talaabadaas "sharci daradda ah".

Muuqaalo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa muujinaya taayaro ay gubeen mudaaharadayaasha iyo ayaga oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha waqtiga ka dhacay.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha  iy askarta oo u waramay warbaahinta ayaa shaaca ka dhigay "Farmaajo cunsuri iyo qaadhicu-dariiq waaye. Ciddii naga hor-timaadana waan la dagaalameynaa".

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan hay'ada sirdoonka NISA iyo milatariga kasoo horjeeda muddo kororsiga ay is-rasaaseyn ku dhexmartay aaga Bana-raama oo ku dhow isgoyska Sanca.

Lama ogga khasaaraha ka dhashay iska-hori-imaadka. Hasa ahaatee, warbixinadu waxay intaas ku darayaa in ay jiraan waxyeelo soo gaarey dad shacab ah iyo askarta qudhooda kuwaasoo dagaalku dhexmaray.

Abaabulka ciidan ee iska soo horjeeda ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku badnaa caasimadda Muqdisho, iyaddoo cabsida ugu weyn ee jirta ay ahayd in isku-dhac uu yimaado isla markaana xaalada kasii dari karto.

Musharaxiinta madaxtinimada iyo dowladda Farmaajo oo dhaqdhaqaaqyada ciidan wadday ayaan wali ka hadlin banaanbaxa iyo iska-hor-imaadka oo la saadaalinayo in ay sii hurinayaan qalalaasaha siyaasadeed ee jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM