Itoobiya oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Itoobiya ayaa u magacowday Danjire Suleiman Dedefo inuu noqdo safiirka cusub ee dalkaasi u fadhiya Soomaaliya, isagoo beddelaya danjire Mukhtar Mohamed Ware oo ay Soomaaliya eriday bishii Abriil ee sannadkii hore.

Danjire Waare ayaa laga saaray dalka kadib markii xiriirka labada dowladood si weyn hoos ugu dhacay, kaddib heshiis muran dhaliyay oo ay Itoobiya kula wareegtay 20km oo xeeb ah oo ay Somaliland sheegtay, taasoo qeyb ka ahayd dadaal ay Addis Ababa ku raadineysay aqoonsi rasmi ah oo ay ka hesho maamulkaasi iskiis ugu dhawaaqay madaxbannaani.

Xiisaddaasi diblomaasiyadeed ayaa dhammaatay kaddib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee Turkiga uu dhex-dhexaadin sameeyay, taasoo horseeday in Itoobiya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdaan heshiis ay ku ixtiraamayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee midba midka kale.

Danjire Suleiman Dedefo, oo horey ugu fadhiyay dhowr dal oo muhiim ah, ayaa la filayaa inuu dib u bilaabo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, xilli ay Soomaaliya weli si taxaddar leh uga fiirsaneyso xiriirka ay la leedahay Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM