Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Image

Jabuuti – Dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah heshiis ugu kala saxiixday magaalada Jabuuti, kaas oo lagu ballaarinayo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, iyo ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sarre oo ka kala socday labada dowladood.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskani uu qeexayo kordhinta ciidamada Jabuuti ee ka qayb qaata howlgalada amniga gudaha dalka, iyadoo la raacayo qawaaniinta iyo heshiisyadii hore ee labada dhinac ay isla meel dhigeen. Sidoo kale, heshiiska ayaa tilmaamaya habraaca wada shaqaynta, waajibaadka labada ciidan iyo qaababka iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo kalsooni iyo is ixtiraam.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo labada dowladood ay kaga shaqeynayaan xoojinta nabadgelyada gobolka, iyadoo dowladda Jabuuti ay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya dhinaca nabad ilaalinta iyo horumarinta.

Ciidamada Jabuuti ayaa horey uga mid ahaa kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo door muhiim ah ka ciyaaray sugidda amniga dalka.

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM