Jabuuti oo shaacisay hindise “xal u ah” xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa fahfaahin ka bixiyey hindisahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu uu hayo hindise lagu xallin karo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu BBC-da u sheegay in dalkiisu uu soo jeedinayo in Itoobiya uu siinayo marinka badda iyo, “Boqolkiiba boqol maamulka dekedda,” iyo waddo cusub oo horay loo dhisay.

Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in ay noqon doonto dekedda Tadjoura oo 100KM u jirta xuduudka Itoobiya.

"Markaa marin-u-helidda badda ee Itoobiya dhib kuma ahaan doono," ayuu yidhi.

Youssouf ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu fursad u heli doono in uu kala hadlo soo jeedinta madaxda labada dal inta lagu guda jiro shir madaxeedka Shiinaha iyo madaxda Afrika todobaadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM