Jabuuti oo Walaac Ka Muujisay Xiriirka Sii Kordhaya ee Xasan Shiikh iyo Eritrea

Image

DJABOUTI | Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia iyo dowladda Jabuuti ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in cabasho weyn loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Cabashadan ayaa la xiriirta walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu Xasan Shiikh si toos ah ugu gudbiyay walaac weyn oo uu ka qabo awood sii kordheysa oo uu Afwerki ka helayo xiriirka Soomaaliya. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay kulankii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Eritrea oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, isagoo su’aal geliyay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho oo halkii loo doortay Asmara.

Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ayaa muddo dheer ahaa mid cakiran, waxaana labada dal ka dhexeeya khilaaf dhuleed oo xasarad keenay. Haatan, dowladda Jabuuti ayaa ka welwelsan in xiriirka dhow ee Xasan Shiikh la leeyahay Eritrea uu sii wiiqayo mowqifka Jabuuti ee gobolka.

Tan iyo markii Xasan Shiikh xilka la wareegay, siyaasadaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay keeneen jahawareer ku yimid xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka, iyadoo xiriirka cusub uu la yeeshay Eritrea sii kiciyay xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,  Jabuuti iyo Itoobiya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM